Halyeey Man United ah oo kaga digay Pogba halista kaga imaan karta taageerayaasha Old Trafford hadii uusan….

(Manchester) 11 Agoosto 2019. Xiddiga kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa digniin adag ka helay laacibkii hore xulka qaranka England ee Ian Wright.

Ian Wright ayaa ka codsaday Paul Pogba inuu soo bandhigo qaab ciyaareed wanaagsan, hadii uu sidaas sameynina uusan wax naxariis ah ka heli doonin taageerayaasha kooxda.

Halyeeyga kubadda cagta ee dalka England ee Ian Wright oo la hadlayay saxaafada ayaa wuxuu yiri:

“Waxa kaliya ee aan maqlay inta lagu gudi jiray kulamadii diyaar garowga ayaa ah in Pogba uu ahaa nin karti iyo go’aan leh, isla markaana si wanaagsan uu u garanayo waxa uu sameynayo”.

Image result for Pogba and Ian Wright

”Haatan aad ayey muhiim u tahay in xilli ciyaareedka uu ku bilowdo heerar wanaagsan, sababtoo ah taageerayaasha United-ka waxay diyaar u yihiin afgambi”.

“Xaqiiqdii waxaan dareemayaa in taageerayaasha Red Devils ay diyaar u yihiin inay weeraraan isaga, hadii uusan si fiican u ciyaarin” ayuu hadalkiisa ku soo xiray halyeeyga Ian Wright.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close