Arsenal oo guul dirqi ah kaga daah furatay horyaalka Premier League … +SAWIRRO

(England) 11 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa guul dirqi ah kaga daah furatay xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2019/2020, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay Newcastle United.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ay labada kooxood isku dhaafi faayeen.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay Arsenal ayaa la soo gashay garoonka qaab ciyaareed heer sare ah, waxayna raacdo u galeen sida ay ku dhalin lahaayeen goolka daah furka ee ciyaarta, maadaama ay u baahnaayeen in kulankooda daah furka ay ka helaan saddexda dhibcood.

Daqiiqadii 58-aad Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Arsenal, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Ainsley Maitland-Niles.

Laakiin ugu dambeyntii kulanka ayaa wuxuu ku soo dhamaaday 1-0 ay guusha ku raacday kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal oo kulankeedii ugu horeeyay ay kaga daah furatay horyaalka ka heshay saddexda dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close