Ryan Giggs oo kula taliyay Man United inay ka fikirto Bedelka Pogba

(England) 10 Agoosto 2019.Halyeeyga kooxda kubadda cagta ee Man United ee Ryan Giggs ayaa sheegay in Red Devils ay u baahantahay ciyaartooy cusub ee khadka dhexe.

Magaca Paul Pogba ayaa si weyn lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda Real Madrid suuqan xagaaga, kaddib markii uu shaaciyay inuu xiiseenayo loolan cusub ee meel kale ah.

Sida laga soo xigtay shabakada “Sky Sports” Real Madrid ayaa waxay u soo bandhigtay Manchester United dalab dhan 27.7 milyan ginni iyo sidoo kale James Rodríguez, si ay kaga hesho Pogba, wuxuuna dalabkan ahaa kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga England.

Ander Herrera ayaa ka tagay kooxda Manchester United isagoo ku biiray Paris Saint-Germain, halka sidoo kale Marouane Fellaini uu ku biiray kooxda Shandong Luneng ee horyaalka Chinese Super League bishii Janaayo ee lasoo dhaafay.

Iyadoo laga cabsi qabo in Pogba uu ka tago garoonka Old Trafford, Ryan Giggs ayaa kula taliyay kooxdiisii hore ee Man United inay la soo saxiixato ciyaartoy cusub ee khadka dhexe ah.

Halyeeyga reer Weles ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah ee “ESPN” wuxuu ku sheegay:

“Waxaan u maleynayaa inaan u baahanahay ciyaartoy kale ee khadka dhexe ah”.

“Haddii uu baxo Pogba, waxaan ka hadlaynaa isbedelka dhaqanka, laakiin sida iska cad waxaan ubaahan nahay ciyaartoy leh awood kala duwan”.

“Waxaa laga yaabaa inaadan jecleysan, laakiin haddii Pogba kulanka Chelsea uusan qeyb ka noqonin khadka dhexe, ama xitaa isbuucyada soo socda, isla markaana lagu tiirsanaado ciyaartoyda kale ee kooxda ku sugan, waan ku dhibtoon doonaa, taasi waa dhibaato”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close