Horudhaca kulanka horyaalka Premier League ee kooxaha West Ham United vs Manchester City

(London) 10 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa difaacashadeeda horyaalka Premier League waxa ay ka bilaabaysaa safarka garoonka London Stadium oo ay kulankeeda furitaanka horyaalka Premier League maanta kula ciyaareyso naadiga West Ham United.

Man City ayaa iyadoo gacanta ku haysata koobka Community Shield oo ay ka qaadeen Liverpool isbuucii la soo dhaafay waxa ay galabta la ciyaarayaan West Ham, kooxda macallin Pep Guardiola ayaaa eegeysa inay guul ku furato horyaalka marka ay wajahayaan Hammers.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Taariikhda: Sabti, 10 Agoosto 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Mike Dean (England)

Garoonka: London Stadium.

Wararka Kooxaha:-

Saxiixyada rikoorka ah oo ay la soo wareegtay kooxda West Ham ee Sebastien Haller iyo khadka dhexe ee Pablo Fornals ayaa la filayaa inay kulankoodii ugu horreeyey Premier League ciyaaraan maanta.

Lukasz Fabianski ayaa ka soo laabtay dhaawac dhanka gumaarka ah, waxaana uu ku soo bilaaban karaa kulankan, halka Jack Wilshere uu taam yahay.

Laakiin nasiib darro Mark Noble oo ka tirsan kooxda West ham United ayaa xanuun lugta ah ku soo geeya kulankan.

Rodri iyo Joao Cancelo ayaa ku soo bilaaban kara kulankan kaddib markii ay Machester City lacago sare kula soo wareegtay xagaagan.

Leroy Sane ayaa seegi doona kulankan kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray jilibka midig, waxaana uu dhaawacmay oo garoonka laga saaray kulankii kooxdiisa Manchester City ay guusha ka gaartay Liverpool ee Community Shield.

Sidoo kale kooxda uu hoggaamiyo tababare Pep Guardiola waxaa ka maqnaanaya kulankan Benjamin Mendy.

Aymeric Laporte iyo Fernandinho ayaa sidoo kale ka maqnaana Sky Blue, halka goolhaye Ederson uu ku soo bilaabanayo goolka Man City kaddib markii uu kulankii ka dhacay Wembley uu shabaqa ku jiray Claudio Bravo, markaasoo City ay rigooreyaal ku garaacday Liverpool.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Manchester City ayaa todoba guul oo xiriir ah ka gaartay West Ham tartammada oo dhan, waxaana guulahaas ku jira middoo 4-0 oo ay ka gaareen horyaalka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

>- Man City ayaa guuleystay dhammaan afartii kulan ee ugu dambeeyey oo ay booqatay garoonka London Stadium, waxaana ay cel-celis ahaan afartaas kulanba ay halkaa ku soo dhaliyeen 17 gool, hal gool ayaana laga dhaliyey kulamadaas oo dhan.

>- West Ham ayaan shabaqeeda gool ka ilaashan iyadoo wajahaysa Manchester City 16-kii kulan ee ugu dambeeyey tartan rasmi ah, tan iyo kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo bishii November sanadkii 2012-kii ka dhacay Upton Park, kaasoo ku dhammaaday barbaro 0-0.

>- Kooxda Man City ayaa guul gaartay 14-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.

>- Man City ayaa guul gaartay sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday kooxda West Ham tartammada oo dhan.

>- Man City ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool shantii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay West Ham dhammaan tartammada.

>- Kooxda West Ham ayaa guulaysatay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.

>- West Ham ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool shan ka mid ah lixdii kulan ee ay gurigeeda ku ciyaartay horyaalka Premier League.

>- Hammers ayaa la dhibtoonaysa 12 guuldarro oo soo gaaray kulamadooda furitaanka horyaalka Premier League, inta ugu badan waa la garaacaa West Ham kulankooda ugu horreeya horyaalka.

>- Macallin Manuel Pellegrini oo hadda hogaamiya West Ham ayaa ku guuleystay horyaalka Premier League iyo labo League Cup intii lagu guda jiray saddexdiisii xilli ciyaareed ee uu tababaraha u ahaa Manchester City intii u dhaxaysay 2013 illaa 2016.

>- Manchester City ayaa guuldarro la’aa ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyey kulamada furitaanka horyaalka Premier League ama kulamada ay ku daah furtaan xilli ciyaareed kasta horyaalka Ingiriiska, waxaana ay guul gaareen siddeed xilli ciyaareed oo xiriir ah kulamadooda furitaanka horyaalka.

>- Kaliya waxaa laga dhaliyey City labo gool todobadoodii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka ku soo ciyaareen bannaanka ama meel ka baxsan garoonkooda, waxaana xusid mudan inay shan ka mid ah kulamadaas shabaqooda gool ka ilaashadeen.

>- Sergio Aguero ayaa dhaliyey lix gool kulamada todobaadka furitaanka xilli ciyaareedka ee Premier League, waxaana rikoorka xiddigaha goolasha ugu badan dhaliyey kulamada furitaanka horyaalka siddeed gool ku haysta Wayne Rooney, Alan Shearer iyo Frank Lampard.

>- David Silva ayaa dhaliyey gool dhammaan saddexdii kulan ee uu booqday garoonka London Stadium, waxaana uu West Ham ka dhaliyey lix gool tartammada oo dhan, waana kooxda uu goolasha ugu badan ka dhaliyey marka loo eego kooxaha kale oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

West Ham (4-2-3-1): Fabianski; Fredericks, Balbuena, Diop, Cresswell; Rice, Wilshere; Anderson, Fornals, Lanzini; Haller.

Manchester City (4-1-4-1): Ederson; Walker, Stones, Laporte, Zinchenko; Rodri; B Silva, De Bruyne, D Silva, Sterling; Aguero.

Kulamada kale ee caawa iyo maanta la ciyaarayo horyaalka Premier League iyo saacadaha ay soo galayaan xilliga geeska Afrika:-

5:00 galabnimo AFC Bournemouth vs Sheffield United

5:00 galabnimo Burnley vs Southampton

5:00 galabnimo Crystal Palace vs Everton

5:00 galabnimo Watford vs Brighton & Hove Albion

7:30 habennimo caawa Tottenham Hotspur vs Aston Villa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close