Pep Guardiola oo magacaabay kabtanka cusub ee kooxda Manchester City, kaddib bixitaankii Vincent Kompany

(Manchester) 09 Agoosto 2019. Tababaraha reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa magacaabay kabtanka cusub ee Skay Blues, kaddib bixitaankii Vincent Kompany.

Pep Guardiola ayaa u magacaabay kabtanka cusub ee kooxda Manchester City kubad sameeyaha reer Spain ee David Silva.

33 jirka reer Belgian ayaa ka tegay Etihad Stadium, kaddib mudo dheer ee aad u qurux badan uu ku qaatay, isagoo kula guuleystay koobab badan.

Macalinkii hore kooxda Barcelona ee Guardiola ayaa shir jaraa’id uu maanta ka soo muuqday ayaa wuxuu ku sheegay:

“David Silva wuxuu noqon doonaa hogaamiyaha kooxda, Fernandinho, Kevin De Bruyne iyo Aguero wey taageeri doonaan isaga”.

“David wuxuu halkan joogay mudo 10 sano ah, wuxuu yaqaanaa kooxda iyo horyaalka Premier League. David waa inuu gaaraa go’aamo faa’iido u leh kooxda”.

“Qaabka aad uga shaqeyso qolka labiska ayaa had iyo jeer ku xiran dabeecada hogaamiyaha, laakiin waa shaqsiyaad fiican, way is yaqaannaan oo wax badan ayey qoslaan, dhibaato ma jiri doonto, wuxuu noqon doonaa hogaamiye wanaagsan”.

Waxaa xusid mudan in David Silva uu horey ugu dhawaaqay inuu ka tagayo Etihad Stadium xili ciyaareedka soo socda, kaddib marka uu dhamaado heshiiskiisa kooxda Skay Blues.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close