Muxuu ka yiri Samuel Eto’o heshiiska uu Lukaku ugu biiray kooxda Inter Milan?

(Serie A) 09 Agoosto 2019. Halyeeyga reer Cameroon ee Samuel Eto’o ayaa u rajeeyay weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku inuu ku guuleysto waayihiisa cusub ee kooxda Inter Milan.

Kooxda Inter ayaa si rasmi ah kula soo saxiixatay weeraryahanka kooxda Man United ee Romelu Lukaku adduun lacageed dhan 80 milyan oo euro.

Samuel Eto’o ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in 26 jirka reer Belgium ee Romelu Lukaku uu u wareego kooxda Inter Milan.

Halyeeyga reer Cameroon ayaa fariin qiiro leh uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee “Instagram-ka” wuxuu kaga hadlay heshiiska uu Lukaku ugu biiray Inter Milan.

“Romelu ku soo dhawow Inter Milan. Waxay ka badan tahay koox oo keliya, waa sida qoys mideysan oo kale”.

“Halkan, waxaad la ciyaareysaa xiddigo, sidaa darteed shaki la’aan waxaad sii wadi doontaa inaad ku soo muuqato”.

“Waxaan kuu rajeenayaa inaad ku guuleysan doonto hiigsigaaga cusub, isla markaana aad dhalin doonto goolal badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close