Waa kuma Sunil Chhetri, xiddiga ka goolasha badan Lionel Messi ee ka soo jeeda dal aan laga jeclayn kubadda cagta?

(Yurub) 08 Agoosto 2019. Kubadda cagta Caalamka ayaa marti gelisay xiddigo badan oo cajiib ah sida Ronaldo Dalima, Zidane, Ronaldiho, Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Neymar Jr iyo kuwo kale oo inaga yeelay inaan xiiseynayo daawashada kubadda cagta, balse intaasi kuma eka xiddigaha mucjisada leh ee kubadda cagta ciyaara.

Isagu waa xiddig ka soo jeeda waddan aan laga jeclayn kubadda cagta, balse waa laacib muujiyey karti iyo dadaal badan, waxa uu hannaan ciyaareed kala mid yahay CR7, waana marka aan ka eegno dhanka dadaalka iyo dhalinta goolasha.

Waxa uu dhalinta goolasha heerka qaran ka badan yahay Lionel Messi, Neymar Jr iyo xiddigo kale, waana ninka reer India ee Sunil Chhetri.

Warbintan waxa aan ku eegeynaa xogo iyo xaqiijooyin ku saabsan ciyaaryahan Sunil Chhetri, sababta uu u neceb yahay cunnooyinka sonkorta leh iyo sirta ka dambeysa hadalladii qiirada lahaa ee uu u jeediyey muwaadiniinta reer India, markii uu ku guubaabinayey kubadda cagta.

Nimco C/llaahi Magan ayaa warbixintan soo jeedinaya ee ka daawo muuqaalka hoose:-

VIDEO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close