RASMI: Juventus oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska Danilo

(Serie A) 08 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la saxiixatay daafaca reer Brazil ee garabka midig kaga ciyaari jiray Man City Danilo.

Kooxaha Juventus iyo Manchester City ayaa waxay sameeyeen heshiis ay isku dhaafsadeen xiddigaha Danilo iyo João Cancelo.

Juventus ayaa war rasmi ah ay ku shaacisay website-keeda waxay ku sheegtay in si toos ah ay kula soo wareegtay xiddiga reer Brazil ee Danilo, heshiis lagu qiimeeyay 37 milyan oo euro, oo lagu bixin karo muddo seddex sano ah.

Danilo ayaa wuxuu saxeexay heshiis 5 sano ah, wuxuuna qandaraaskiisa dhacayaa June 30, 2024.

Natiijada sawirka Danilo and João Cancelo

Taasi badalkeeda Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in João Cancelo uu isna dhankiisa ugu biiray kooxda Manchester City adduun dhan 65 milyan oo euro.

Juventus ayaa waxay hadalkeeda ku soo gabagabeysay inay ka heli doonto faa’iido ahaan aduun dhan 28.6 milyan oo euro, heshiiska is dhaafsiga ah ay la gashay kooxda Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close