RASMI: Inter Milan oo shaacisay inay dhameystirtay heshiiska Romelu Lukaku

 (MIlan) 08 Agoosto 2019. Kooxda Inter Milan ayaa ku shaacisay boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka inay si rasmi ah u dhameystirtay heshiiska weeraryahanka reer Belgian iyo kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku.

Lukaku ayaa ka soo muuqday muuqaal gaaban oo fiidiyoow ah ay kooxda Inter soo dhigtay boggeeda rasmiga ah baraha bulshada ee Twitter-ka isagoo xiran maaliyada Nerazzurri.

Inter Milan ayaa sheegtay in Romelu Lukaku uu u saxiixay heshiis ku sii heyn doono garoonka San Siro ilaa iyo 30-ka June 2024, iyadoo aan la sheegin qiimaha lacageed uu heshiiskan ku kacay.

Romelu Lukaku ayaa kaddib markii uu u saxiixay heshiiska cusub kooxda Inter Milan wuxuu ka hadlay dareenkiisa wuxuuna sheegay:

“Inter Milan waa kooxda kaliya ee aan doonayay inaan ku biiro, waxaan halkaan u joogaa inaan Nerazzurri markale ku soo celiyo meesha ugu sareysa”.

Sida ay tilmaamamayaan wararka ka imaanaya gudaha Talyaaniga Lukaku ayaa ugu ugu dhaqaaqay kooxda Inter Milan heshiis ku kacaya 65 milyan oo euro iyo 10 milyan euro oo ah lacagaha dhiiragalinta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close