RASMI: Arsenal oo ku dhawaaqday bixitaanka kabtankeeda Laurent Koscielny

(London) 06 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa ku dhawaaqday bixitaankeeda daafaca reer France ee Laurent Koscielny, isla markaana uu ku biiray naadiga Bordeaux ee dalka Faransiiska.

Gunners ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku shaacisay Web site-keeda rasmiga ah iyo dhamaan boggageeda baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka bixitaanka Laurent Koscielny kadib sagaal sano oo uu joogay naadiga ka dhisan waqooyiga magaalada London.

Laurent Koscielny ayaa ka tagay kooxda Arsenal kaddib mudo dhan 9 sano uu ku sugnaa Emirates Stadium, isagoo kaga soo biiray naadiga Lorient .

Koscielny ayaa muddada 9-ka sano uu ku sugnaa kooxda Arsenal wuxuu u ciyaaray 353 kulan oo tartamada kala duwan ah tan iyo 2010-kii ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkii hore ee 2018/2019, isagoo kula guuleysatay, 3 koob oo FA Cup ah sanadihii 2014, 2015 iyo 2017.

Idaacada BBC-da ee afka Ingiriiska ku hadasha ayaa sheegtay in heshiiskii ay Bordeaux kala saxiixatay Laurent Koscielny kooxda Arsenal uu ku kacay adduun dhan 4.9 milyan ginni.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close