Liiska musharaxiinta abaal-marinta laacibka iyo tababaraha sanadka ee Portugal oo lagu dhawaaqay… (Xiddigaha ku soo baxay & Ronaldo oo godkiisa biyo ugu soo galeen)

(Yurub) 06 Agoosto 2019. Waxaa si rasmi ah daaha looga rogay liiska musharaxiinta abaalmarinta laacibka ugu fiican iyo macalinka ugu fiican Portugal 2019.

Sanad walba, waxaa dalka Portugal laga bixiyaa abaalmarinta “Quinas de Ouro” waxaana la siiyaa ciyaaryahanka iyo tababbaraha ugu fiican Portugal.

Xiddiga dhawaan galka ah kooxda Atletico Madrid ee João Félix ayaa abaal-marintan si xoogan kula dagaalamaya weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Natiijada sawirka Ronaldo and João Félix

Hadaba liiskan lasoo saaray ayaa ka dhigan inay tahay markii afaraad tan iyo markii la bilaabay in la bixiyo aaal-marintan.

Musharixiinta Abaalmarinta Xiddiga Sanadka ayaa waxaa ka mid ah:

Cristiano Ronaldo (Juventus).

João Félix (Atletico Madrid – Benfica).

Bernardo Silva (Manchester City).

Bruno Fernandez (Sporting Lisbon).

Rúben Neves (Wolverhampton).

Musharaxiinta Abaalmarinta Tababaraha Ugu Fiican ayaa waxaa ka mid ah:

Bruno Lage (Benfica).

Vítor Pereira (Shanghai).

Fernando Santos (Boortaqiiska).

Paulo Fonseca (Rome – Shakhtar Donetsk).

Vítor Oliveira (Gil Vicente – Paços Ferreira).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close