Waa kuwee xiddigaha Ingiriiska ah ee ugu qaalisan Dunida, kaddib Heshiiskii rikoorka ahaa ee uu Harry Maguire maanta ugu biiray Man United?

(Manchester) 05 Agoosto 2019. Ciyaaryahan Harry Maguire ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray kooxda Manchester United, kaddib markii uu 80 milyan oo gini uga soo wareegay Leicester City.

Harry Maguire waxa uu noqday daafaca ugu qaalisan adduunka kaddib markii uu maanta dhammaystiran heshiiska uu ugu biiray kooxda Manchester United.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegaynaa xiddigaha Ingiriiska ah ee ugu qaalisan Adduunka.

Harry Maguire ayaa maanta noqday xiddiga ugu qaalisan Adduunka ciyaartoyda Ingiriiska ah kaddib markii uu dhammaystiray heshiiska 80 milyan oo gini ah oo uu ugu biiray kooxda Manchester United.

Difaacan dhexe ee reer England ayaa qalinka ugu duugay heshiis lix sanadood ah kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford, waxaana uu ka sare maray maanta Kyle Walker oo horay u haystay xiddiga Ingiriiska ah ee ugu qaalisan dunida.

Haddaba shaba PA ayaa shaacisay xiddigaha Ingiriiska ee ugu qaalisan kubadda cagta & laacib waliba lacagaha lagula wareegay:-

Harry Maguire: Leicester City ayuu ka tagay waxaana uu 80 milyan oo gini ugu biiray Manchester United.

Kyle Walker: Tottenham ayuu ka soo tagay waxaana uu 53 milyan oo gini ugu biiray kooxda Manchester City.

Aaron Wan-Bissaka: Crystal Palace ayuu ka tagay waxaana uu ku biiray Manchester United, heshiis ku kacaya 50 milyan oo gini.

Raheem Sterling: Liverpool ayuu ka soo tagay waxaana heshiis ku kacayey 50 milyan oo gini uu ugu biiray kooxda Manchester City.

John Stones: Kooxda Everton ayuu ka soo dhaqaaqay waxaana uu Manchester City ugu biiray adduun dhan 47.5 milyan oo gini.

Andy Carroll: Newcastle ayuu ka soo tagay waxaana uu kooxda Liverpool ugu biiray adduun dhan 35 milyan oo gini.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close