RASMI: Manchester United oo shaacisay inay dhameystirtay heshiiska Harry Maguire

(Manchester) 05 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dhameystirtay heshiiska daafaca kooxda Leicester City ee Harry Maguire.

Manchester United ayaa ku shaacisay Website-keeda rasmiga ah inay lasoo wareegtay Harry Maguire isla markaana uu u saxiixay heshiis 6 sano ah, wuxuuna sidoo kale ku darsan karaa sanad kale oo dheeri ah, sida heshiiska ku xusan.

United-ka ma aysan shaacin qiimaha uu ku kacay heshiiskan, laakiin sida lagu helayo wararka dhanka saxaafada labada kooxood ayaa waxay ku heshiiyeen qiimo dhan 80 milyan ginni.

Kaddib marka ay si rasmi ah u shaacisay Manchester United inay dhameystirtay heshiiska Harry Maguire, wuxuu noqon doonaa daafaca ugu qaalisan taariikhda, isagoo rikoorkan ku dhaafay dhigiisa reer Holand iyo kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk, kaasoo 75 milyan ginni uga soo dhaqaaqay kooxda Liverpool bishii Janaayo ee 2018.

Dhankeeda Leicester City ayaa qoraal ay soo dhigtay website-keeda waxay ugu mahad celisay Harry Maguire, doorka uu ka qaadatay marxaladda koritaanka joogtada ah labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Leicester City ayaa waxay Harry Maguire kaga mahad celisay sida uu daacad ugu ahaa kooxda iyo saaxiibadiis intii lagu gudi jiray wadahadaladii u dambeeyay ee kooxda Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close