Kaddib heshiiskii rikoorka ahaa oo ay Kooxda Man United kula wareegtay Harry Maguire, ka bogo liiska daafacyada ugu qaalisan Taariikhda

(Manchester) 05 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si ramsi ah ugu dhawaaqay maanta inay la saxiixatay Harry Maguire, waxaana ay kula wareegtay adduun dhan 80 milyan oo gini, taasoo ka dhigtay daafaca ugu qaalisan kubadda cagta waqtigan.

Daafacan dhexe oo 26 sanno jir ah ayaa ka soo wareegay kooxda Leicester City, waxaana uu rikoorka daafaca ugu qaalisan kubadda cagta cagta adduunka kala wareegay dambeedka Liverpool ee Virgil van Dijk.

Xiddigan reer Holland ee Virgil van Dijk ayay Liverpool kula soo wareegtay adduun dhan 75 milyan oo gini, isaga ayaana ahaa daafaca ugu qaalisan balse haata rikoorkaas waxaa kala wareegay Harry Maguire.

Daafaca saddexaad ee ugu qaalisan Adduunka waqtigan waa Lucas Hernandez oo sanadkan 68 milyan oo gini uga tagay kooxda Atletico Madrid kuna biiray naadiga Bayern Munich ee dalka Jarmalka.

Matthijs de Ligt oo kooxda Juventus ugu biiray sanadkan 67.5 milyan oo gini kana soo dhaqaaqay kooxda reer Holland ee Ajax ayaa kaalinta afaraad ka galay difaacyada ugu qaalisan Taariikhda kubadda cagta.

Dambeedka kooxda Manchester City ee Aymeric Laporte oo ay 57 milyan oo gini ay kula soo wareegay Sky Blue ayaa kaalinta shanaad ka soo muuqday liiskan dafaacyada ugu qaalisan taariikhda.

Benjamin Mendy oo ay Man City kooxda Monaco kaga soo qaadatay 52 milyan oo gini sanadkii 2017-kii iyo Kyle Walker oo isna ka tirsan Manchester City kaasoo ay 45 milyan oo gini ay Tottenham kaga soo qaateen ayaa liiskan halka hoose ka hoggaaminaya.

Halkaan hoose ka eeg liiska dafaacyada ugu qaalisan ebid:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close