RASMI: Kooxda Barcelona oo xaqiijisay saxiixa Junior Firpo

(Barcelona) 04 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku dhawaaqday saxixa ciyaaryahan Junior Firpo kaasoo ay kala soo wareegeen naadiga Real Betis.

Maanta oo Axad ah ayey xaqiijisay Barcelona saxiixa Junior Firpo oo kaga yimid kooxda Real Betis, waxaana uu qalinka ugu duugay heshiis shan sanadood ah.

“FC Barcelona iyo Real Betis ayaa heshiis ka gaaray saxiixa Junior Firpo lacag dhan 18 milyan oo euro oo lagu daray 12 milyan oo euro” ayaa lagu bilaabay bayaan ay soo saartay kooxda Barca.

“Ciyaaryahanka ayaa kooxda u saxiixay heshiis ku sii nayn doona shanta xilli ciyaareed ee soo aaddan, kaasoo ku eg illaa bisha 30-ka bisha June sanadka 2024-ka, waxaana heshiiskiisa lagu burburin doonaa 200 oo milyan oo euro.”

Tan iyo markii uu ku soo biiray shaxda kooxda koowaad, Firpo ayaa kooxda Betis u ciyaaray 43 kulan waxaana uu dhaliyey shan gool iyo todoba caawin.”

22-sano jirkaan ayaa si toos ah kaga ciyaara dambeedka garabka bidix, inkastoo uu 12 kulan ka ciyaaray daafaca dhexe.

Firpo ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha xulka qaranka Spain ee ciyaartoyda da’doodu ka hooseyso 21-jirrada.

Xiddigan ayaa diiradda u saarnaa kooxaha Premier League ee Liverpool iyo Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close