Uganda oo xasuuq labaad u geysatay xulkeenna qaranka Soomaaliya

(Uganda) 03 agoosto 2019. Xulka qaranka soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka haray tartanka Chan Cup, kaddib markii ay guuldaro labaad kala kulmeen dhigooda Uganda kulankoodii labaad ee tartankan.

Ciyaarta ayaa guud ahaan ku soo dhamaatay 4-1 ay guusha ku raacday xulka qaranka Uganda oo ku ciyaaray dhulkooda hooyo, wuxuuna kulankan ka dhacay logogo Stadium.

Waxaa xusid mudan in kulanka lugta hore ee ciyaartay loogu awood sheegtay xulkeena qaranka Somaaliya 3-1, kaasoo lagu ciyaaray dalka Jabuuti.

Wiilasha Xulkeena qaranka soomaaliya ayaa qeybihii hore ee ciyaarta waxey soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

Laakiin ku dhawaad dhamaadka ciyaarta xulkeena qaranka soomaaliya ayaa waxay dhaliyeen goolka calanka waxaana 4-1 ka dhigay xiddiga lambarka 4-aad  ee Daa’uud Tubaal.

Balse nasiib daro ciyaarta ayaa ugu dambeyntii ku soo idlaatay 4-1 oo loogu awood sheegtay wiilasha xulka qaranka soomaaliya, waxayna gabi ahaanba isaga hareen tartanka Chan Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close