RASMI: Messi oo ganaax culus la dul dhigay, kaddib hadalladii kululaa uu ku weeraray xiriirka kubadda cagta ee Koonfurta Ameerika

(Ameerika) 03 Agoosto 2019. Kabtanka xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi ayaa ganaax aad u xoogan kala kulmay xiriirka kubadda cagta ee Koonfurta Ameerika.

War rasmi ah ee ka soo baxay xiriirka kubadda cagta ee Koonfurta America ayaa lagu xaqiijiyay in Lionel Messi lagu ganaaxay in wax kulan ah uusan kala qeyb galin xulkiisa qaranka Argantina mudo 3 bilood ah,

Messi ayaa sidoo kale lagu ganaaxay adduun lacageed dhan $ 50,000 sida uu qabo qaanuunka xiriirka kubadda cagta ee Koonfurta Ameerika, sababa la xiriira inuu hadalo kul kulul ku eedeeyay saraakiisha “CONMEBOL”, kaddib markii ay ka hareen tartanka Copa America 2019.

Ganaaxan la dul dhigay Messi ayaa wuxuu daba socdaa kaddib markii uu ku sheegay xiriirka kubadda cagta ee Koonfurta Ameerika inuu yahay mid musuqmaasuq ah, inta lagu gudi jiray kulankii ay guuldarada kala kulmeen xulka Brazil wareega afar dhamaadka ee tartankii Copa America 2019 kaasoo dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Brazil.

Messi ayaa markale ku eedeeyay garsoorayaasha iyo mas’uuliyiinta xiriirka kubadda cagta ee Koonfurta Ameerika ee“CONMEBOL”, inta lagu gudi jiray kulankii Chile ee kaalina saddexaad, inay u xaglinayeen xulka Brazil kaddib markii Argentina looga ciribtiray tartanka Copa America 2019 wareega afar dhamaadka, kulankii ay la ciyaareen Seleção.

Ganaaxan la dul dhigay Lionel Messi wuxuu ka hor istaagayaa inuusan ka soo muuqan karin xulkiisa qaranka Argantina ciyaaraha caalamiga ah, hadii ay ahaan laheyd mid rasmi ah ama mid saaxiibtinimo muddo 3 bilood ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close