RASMI: Kooxda Chelsea oo ku dhawaaqday lambarrada ay xiran doonaan xiddigaheeda xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20… (Yaa la siiyey lambar 10 ma Willian mise Pulisic?)

(London) 03 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhawaaqday lambarrada ay xiran doonaan xiddigaheeda xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20.

Horyaalka Premier League ayaa maalmo yar kaddib ilaaban doona iyadoo Blues ay xaqiijisay lambbarada xiddigaheeda xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20 ay horyaalka Ingiriiska kala soo muuqan doonaan, waxaana isbedel lagu sameeyey lambarrada qaar ka mid ah ciyaartooyda kooxda.

Saxiixa cusub ee Chelsea, Christian Pulisic ayaa xiran doona lambarka 22 oo uu iska dhigay Willian, kaddib markii xiddiga reer Brazil uu hadda la wareegay lambarkii 10-aad ee uu ka tagay Eden Hazard, kaasoo ku biiray kooxda Real Madrid.

Andreas Christensen ayaa hadda xiran doona lambarka 4-aad, Kurt Zouma ayaa lagu taagay lambarka 15-aad, halka Tammy Abraham uu xiran doono lambarka 9-aad ee kooxda Chelsea.

Laacibka amaahda ka soo laabtay ee Tiemoue Bakayoko ayaa qaadan doona lambarka 14-aad, Kenedy ayaa loo dhiibay lambarka 16-aad, halka Michy Batshuayi uu xiran doono lambarka 23-aad.

Mason Mount ayaa qaatay lambarka 19-aad, da’yarka Reece James ayaa loo dhiibay lambarka 24-aad, iyadoo Fikayo Tomori uu xiran doono lambarka 29-aad.

Mateo Kovacic, kaasoo heshiiskiisii amaahda ahaa ee uu kaga yimid kooxda Real Madrid laga dhigay mid joogto ah xagaagan oo ay milkiyaddiisa yeelatay Chelsea ayaa sii haysan doona lambarka 17-aad oo uu ku ciyaarayey intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2018-19.

Haddaba halkaan hoose ka eeg magacyada xiddigaha kooxda Chelsea & lambarrada ay xiran doonaan xilli ciyaareedka cusub oo dhammaystiran:-

1 Kepa Arrizabalaga

2 Antonio Rudiger

3 Marcos Alonso

4 Andreas Christensen

5 Jorginho

6 Danny Drinkwater

7 N’Golo Kante

8 Ross Barkley

9 Tammy Abraham

10 Willian

11 Pedro

12 Ruben Loftus-Cheek

13 Willy Caballero

14 Tiemoue Bakayoko

15 Kurt Zouma

16 Kenedy

17 Mateo Kovacic

18 Olivier Giroud

19 Mason Mount

20 Callum Hudson-Odoi

21 Davide Zappacosta

22 Christian Pulisic

23 Michy Batshuayi

24 Reece James

28 Cesar Azpilicueta

29 Fikayo Tomori

30 David Luiz

31 Jamie Cumming

33 Emerson

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close