Liis xiddigaha ugu Xawaaraha Badan xiligan Manchester United oo daaha laga qaaday… (Booskee ayeey kaga jiraan Lukaku iyo Pogba)

(Manchester) 03 Agoosto 2019. Weeraryahanka reer Belgian ee Romelu Lukaku ayaa ku soo daabacay boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka xiddigaha ugu dhaqsida badan ciyaartoyda kooxda Manchester United, iyadoo lagu saleeyay xawaaraha ugu badan ee ciyaaryahan walba uu gaaray, kaddib markii cabbiraad muuqaaleed lagu sameeyeen xiddigaha kooxda inta lagu guda jiray kulamada diyaargarowga ah ee xilli ciyaareedka cusub.

Lukaku oo ka maqnaa kooxda Manchester United kulamada saaxiibtinimo ay ugu diyaargaroobayeen xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020 ayaa wuxuu booska labaad ka galay ciyaartooyda ugu dheereysa Manchester United, wuxuuna xawaarihiisu yahay 36.25 kilomitir saacadiiba, wuxuuna farqi aad u yar u dhexeeyaa Diogo Dalot oo ah (36.43) oo liiskan kaalinta koowaad kaga soo baxay.

Kaalinta 3-aad waxaa liiskan ka soo galay xiddiga reer Holand ee Tahith Chong (36 km / saac), kaalinta 4-aad waxaa ku jira Marcus Rashford (35.71), kaalinta 5-aad Daniel James (35.53) halka 6-aad uu galay Chris Smalling (34.85).

7-aad Ashley Young (34.85), 8-aad Jesse Lingard (34.28), 9-aad Anthony Martial (34.24), 10-aad Phil Jones (34.09).

Hadaba waa kuwan liiska ciyaartoyda kale ee ka hartay xiddigaha kooxda Manchester United ee heerka xawaaraha:

  1. Mason Greenwood (34.02).

12- Aaron Wan-Bissaka (33.91).

13. Victor Lindelöf (33.62).

14. Axel Tuanzebe (33.58).

15. Angel Gomes (33.52).

16. Paul Pogba (33.41).

17. Eric Bailly (33.16).

18. Andreas Pereira (33.12).

19.  Marcos Rojo (32.6).

20. James Garner (32.6).

21. Scott McTominay (32.51).

22. Nemanja Matić (32.26).

23. Juan Mata (31.79).

24. Luke Shaw (31.03).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close