RASMI: Lambarka uu Nicolas Pepe u xiran doono Kooxda Arsenal oo la shaaciyey… (Goorma ayuuse u ciyaarayaa Gunners kulankiisa ugu horreeya?)

(London) 01 Agoosto 2019. Kooxda Arsenal ayaa maanta xaqiijisay saxiixa Nicolas Pepe, waxaana ay ka soo qaateen Lille oo ay ugala soo wareegeen adduun dhan 72 milyan oo gini.

Pepe ayaana noqday saxiixii ugu qaalisanaa oo ay Arsenal abid la soo wareegto kaddib Pierre-Emerick Aubameyang oo ay Gunners kaga soo qaadatay Borussia Dortmund adduun dhan 56.1 milyan oo gini.

Xiddigan garabka ka dheela oo ay Arsenal kala soo wareegtay kooxda Lille ayaa la doonayaa inuu xoojo weerarka Arsenal, waxaana hadda la shaaciyey lambarka uu u xiran doono koodiisa cusub ee Gunners.

Xiddigan xulka qaranka Ivory Coast oo 24-sano jir ah ayaa qalinka ugu duugay Arsenal heshiis shan sanadood ah oo garoonka Emirates ku sii hayn doona illaa 30 bisha Juun sanadka 2024-ka.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa website-keeda rasmiga ah ku xaqiijisay in saxiixooda cusub ee Nicolas Pepe uu u xiran doono maaliyadda lambarka 19-aad.

Waxaa la filayaa in Pepe uu xoojin doono weerarka Arsenal, Alexandre Lacazette ayaa ciyaari doona weerarka dhexe, halka Nicolas Pepe iyo Aubameyang ay dheeli doonaan garbaha weerarka ee kooxda Gunners.

Nicolas Pepe ayay Jamaahiirta kooxda Arsenal fursad u heli doonaan inay arkaan isagoo markii ugu horreysay matalaya kooxdooda Gunners, kulanka saaxiibtinnimo oo Arsenal Axadda kula ciyaari doono Barcelona garoonka Camp Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close