RASMI: Kooxda Arsenal oo xaqiijisay saxiixa Nicolas Pepe oo ay kula soo wareegeen lacag rikoor ah… + SAWIRRO

(London) 01 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku dhawaaqday saxiixa ciyaaryahanka garabka ka dheela ee Nicolas Pepe.

Xiddigan xulka qaranka Ivory Coast ee Nicolas Pepe ayay Gunners kaga soo qaaday Lille, lacag rikoorka kooxda ah oo dhan 72 milyan oo gini.

24-sano jirkaan ayaa qalinka ugu duugay kooxda ka dhisan garoonka Emirates heshiis shan sanadood ah, kaddib markii uu tijaabada caafimaad u maray Arsenal Talaadadii.

Gunners ayaa 20 milyan gini oo kaash ah siisay Kooxda Lille, halka lacagta soo hartay ee 52-ka milyan oo gini ay ku bixin doonaan muddo shan sanadood gudaheed ah.

Pepe ayaa dhaliyey 35 gool 74 kulan oo uu horyaalka Ligue 1 u ciyaaray kooxda Lille, kuwaasoo uu kaga soo biiray naadiga Angers sanadkii 2017-kii.

Ciyaaryahankan xoojin doona weerarka Arsenal ee Pepe ayaa website-ka rasmiga ah ee kooxdiisa cusub ee Arsenal u sheegay: “Inaan halkaan imaado waxa ay ii tahay dareen aad u wayn, maxaa yeelay iima sahlanayn.”

“Waxaan ku imid waddo dheer iyo rafaad badan, waana abaal-marin wayn inaan u saxiixo koox sidaan u wayn.”

Intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii hore ee 2018-19 horyaalka Ligue 1 kaliya Weeraryahanka Paris St-Germain ee Kylian Mbappe ayaa isku adar goolal iyo caawin ka badnaa Pepe.

Nicolas Pepe waa ciyaryahanka ugu qaalisan haatan kooxda Arsenal, isagoo ka sare maray Pierre-Emerick Aubameyang oo ay Gunners ku soo qaadatay 56.1 milyan oo gini.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close