Kaddib saxiixa cusub ee Nicolas Pepe, Wax ka baro xiddigaha ugu qaalisan Taariikhda kooxda Arsenal

(London) 01 Agoosto 2019. Kooxda Arsenal ayaa maanta xaqiijisay saxiixa Nicolas Pepe, waxaana ay ka soo qaateen Lille oo ay ugala soo wareegeen adduun dhan 72 milyan oo gini.

Pepe ayaana noqday saxiixii ugu qaalisanaa oo ay Arsenal abid la soo wareegto kaddib markii uu ka sare maray Pierre-Emerick Aubameyang oo ay Gunners kaga soo qaadatay Borussia Dortmund adduun dhan 56.1 milyan oo gini.

Xiddigan xulka qaranka Ivory Coast oo 24-sano jir ah ayaa qalinka ugu duugay Arsenal heshiis shan sanadood ah oo garoonka Emirates ku sii hayn doona illaa 30 bisha Juun sanadka 2024-ka, waxaana uu Arsenal u xiran doonaa maaliyadda lambarka 19-aad.

Waxaa la shaaciyey haddaba kaddib Nicolas Pepe oo noqday maanta saxiixa ugu qaalisan Arsenal, ciyaartoyda ugu qaalisan kooxda reer London xiddigaha ay la soo wareegtay.

Ninka labaad ee ugu qaalisan taariikhda Arsenal waa Pierre-Emerick Aubameyang oo ay Gunners kaga soo qaadatay Borussia Dortmund adduun dhan 56.1 milyan oo gini.

Waxaa ku xiga Alexandre Lacazette, iyadoo xiddigan reer France ay Arsenal adduun dhan 52.7 milyan oo gini ay ku soo qaadatay sanadkii 2017-kii, taasoo ka dhigan in saddexda weeraryahan ee Arsenal haatan ay yihiin xiddigaha ugu qaalisan oo ay Gunners la soo wareegtay.

Mesut Ozil oo ay Arsenal kula soo wareegtay 42.5 milyan oo gini ayaa ku jira kaalinta afaraad, waxaana ku sii xiga Shkodran Mustafi, Alexis Sanchez iyo Granit Xhaka oo dhammaantood ku qiimeysan 35 milyan oo gini.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha ugu qaalisan kooxda Arsenal iyo lacagaha ay kula soo wareegtay:-

Nicolas Pepe (£72m)

Pierre-Emerick Aubameyang (£56.1m)

Alexandre Lacazette (£52.7m)

Mesut Ozil (£42.5m)

Shkodran Mustafi, Alexis Sanchez iyo Granit Xhaka – (£35m)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close