RASMI: FIFA oo ku dhawaaqday 10-ka xiddig ee u sharraxan abaal-marinta laacibka sanadka ee The Best… (Kooxda Liverpool oo saddex ku leh)

(Yurub) 31 Luulyo 2019. Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa goordhow ku dhawaaqay 10-ka ciyaaryahan ee u sharraxan abaal-marinta laacibka sanadka ee The Best oo ay bixiso FIFA, waxaana saddex ka mid ah xiddigahaas ay ka tirsan yihiin kooxda hanatay Champions League ee Liverpool.

Xiddiga xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah, dhaliyaha xulka qaranka Senegal ee Sadio Mane & Difaaca jogga dheer ee reer Holland Virgil van Dijk ayay kooxda Liverpool ku leedahay liiskan, kaddib markii ay kooxda Reds ka caawiyeen hanashada Champions Leagus iyo sidoo kale in hal dhibic looga qaaday horyaalka Premier League.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sidoo kale ka mid ah musharraxiinta kaddib markii uu Barca ka caawiyey hanashada horyaalka La Ligaha Spain, sidoo kalena hantay gooldhalinta kabta dahabka ah ee Yurub.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo kaasoo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay horyaalka Talyaaniga kooxda Juventus la qaaday horyaalka Serie A ayaa isna ka mid ah musharraxiinta.

Daafacii hore ee kooxda Ajax oo haatan ku biiray Juventus Mattijs de Ligt, laacibka khadka dhexe ee Frenkie de Jong, kaasoo ka mid noqday Barcelona kaddib markii uu ka tagay Ajax iyo Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa iyaguna ku jira ragga tartamaya.

Saxiixa cusub ee Real Madrid Eden Hazard, kaasoo kooxdiisii hore ee Chelsea kula guuleystay tartanka Europa League ayaa ku jira 10-ka ciyaaryahan ee u sharraxan abaal-marinta sanadka ee The Best, si la mid ah da’yarka PSG ee Kylian Mbappe.

Ciyaaryahanka ku guuleysta abaal-marinta sanadka ee xiddiga ugu fiican ragga waxaa looga dhawaaqi doonaa xafladda abaal-marinnada FIFA  ee The Best oo lagu qaban doono Magaalada Milan 23-ka bisha September.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 10-ka xiddig ee u sharraxan abaal-marinta xiddiga sanadka ee The Best:-

Saido Mane (Liverpool)

Kylian Mbappe (PSG)

Lionel Messi (Barcelona)

Mohamed Salah (Liverpool)

Cristiano Ronaldo (Juventus)

Frenkie de Jong (Ajax/Barcelona)

Matthijs de Ligt (Ajax/Juventus)

Eden Hazard (Chelsea/Real Madrid)

Harry Kane (Tottenham)

Virgil van Dijk (Liverpool)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close