Macallin Unai Emery oo dib u dhis xoggan ku sameynaya Arsenal, xilli kooxdu haatan ay qarka u saaran inay soo qaadato daafac cusub

(London) 31 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay qarka u saaran tahay inay la wareegto xiddig cusub oo booska daafaca ka ciyaara.

Arsenal ayaa la soo sheegayaa inay aad ugu dhow tahay inay heshiis la gaarto kooxda Celtic, si ay uga soo qaadato daafaca buuxa ee Kieran Tierney, kaasoo ay kula soo wareegayaan 25 milyan oo gini.

Macallinka kooxda Celtic, Neil Lennon ayaa todobaadkii la soo dhaafay xaqiijiyey in Gunners ay ka diideen dalabkii labaad oo ay ka soo gudbisay daafacooda.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga Magaalada London ayaa aad ugu dhow inay 25 milyan oo gini ay soo qaataan haatan xiddiga xulka qaranka Scotland.

Wargeyska Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal ay wax ka badalayso oo ay dib u habayn ku samaynayso dalabkii ay ka gudbisay daafaca kooxda Celtic.

Tierney ayaa wacdaro ka dhigay kooxda haysata horyaalka Scottish-ka markale xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu bartilmaameed u yahay kooxo kale oo ay ku jirto kooxda ka dheesha Serie A ee Napoli.

Arsenal ayaa sidoo kale la filayaa inay saacadaha soo aaddan xaqiijiso saxiixa Nicolas Pepe, kaasoo ay lacag rikoorkeeda ah oo dhan 72 milyan oo gini uga soo qaadanayaan kooxda Lille.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close