RASMI: PSG oo dhameystirtay heshiiska mid ka mid ah xiddigaha ka xamaasha horyaalka Premier League

(Paris) 30 Luulyo 2019. Kooxda Paris Saint – Germain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la saxiixatay laacibka Everton ee reer Senegal Idrissa Gueye.

Paris Saint – Germain ayaa war rasmi ah ay ku soo qortay website-keeda iyo boggogeeda rasmiga ah ee baraha bulshada sida Facebook, Twitter iyo Instagram ayaa waxay ku xaqiijisay inay la saxiixatay xiddiga reer Senegal ee Idrissa Gueye.

PSG ayaa bayaankeeda rasmiga ah ku xaqiijisay in xiddiga reer Senegal ee Idrissa Gueye uu u saxiixay heshiis 4 sano ah ee gaarsiisan ilaa iyo 2023-ka.

Shabakada “Sky Sport” ayaa daaha ka qaaday in kooxda Everton ay ogolaatay in 29 milyan oo ginni ay ku iibiso Idrissa Gueye.

29-jirkan reer Senegal ee Idrissa Gueye Jaya ayaa go’aansaday inuu xirto lambarka 27-aad,waayihiisa cusub ee kooxda Paris Saint-Germain kadib safarkiisii Everton.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close