Kiiskii kufsiga ee loo haystay laacibka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr oo go’aan laga gaaray

(Paris) 30 Luulyo 2019. Waxaa la soo sheegayaa in kiiskii kufsiga ee loo haystay laacibka kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr go’aan laga gaaray.

Sida warbixinta lagu sheegay waxaa la xiray kiiskii kufsiga ee loo haystay laacibka kooxda PSG Neymar Jr, kaasoo ay baarayeen Booliiska Waddanka Brazil.

Xafiiska qareenka guud ayaa sheegay in la xiray kiiska kaddib markii la waayey wax caddeyn ah, sidaas waxaa baahisay Wakaallada wararka AFP.

Waxaa go’aanka Booliska maanta loo diri doonaa xeer-ilaaliyeyaasha kuwaasoo ku sameyn doona qiimeyn baaritaankii la sameeyey muddo 15 maalmood ah, ka hor inta uusan go’aan rasmi ah ka soo bixin garsooraha.

Ciyaaryahankan kooxda Paris Saint-Germain weerarka uga dheela ayaa lagu eedeeyey inuu bishii May Hoteel ku yaala Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ku kufsaday gabadha dharka xayaysiisa ee Najila Trindade.

Waxa uu Neymar si xoog leh u beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, waxaana uu shaaca ka qaaday in xiriirka kala dhexeeya gabdhan la yiraahdo Najila Trindade uu ahaa mid labada dhinac ay raali ka ahaayeen, isagoo intaa raaciyey inay doonayso inay sumacaddiisa disho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close