Faah-faahin laga helayo qaraxyo la sheegay in lagu xiray Baabuurta xiddigaha kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suarez

(Barcelona) 30 Luulyo 2019. Waxaa faah-faahin ay ka soo baxaysaa qaraxyo la soo wariyey in lagu xiray Baabuurta xiddigaha kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suarez.

Wararka ka imaanaya Spain ayaa waxay sheegayaan in laacibka reer Argentine iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi Baabuur uu dhigtay afaafka hore ee Baarkinka (Parking) garoonka diyaaradaha Magaalada Barcelona ee Al-Pratt la sheegay in qarax lagu xiray.

Sida lagu qoray ‘Mundo Deportivo’ ciidammada ammaanka ayaa helay warbixintan, waxaana ay ku dhaqaaqeen inay baaritaan ku sameeyaan Baabuurka Messi, iyagoo ka hor tagayay khatar ka dhalan karta walxahaasi qarxa ee la sheegay iyo in ay waxyeello soo gaarto garoonka diyaaradaha Al-Pratt.

Booliska oo adeegsanaya Eeyaha tababaran ayaa baaritaan xoog leh  ku sameeyay Baabuurkii Lionel Messi iyo baabuurtii kale ee halkaa taallay oo uu ku jiray midka uu leeyahay Luis Suarez.

Dhanka kale ciyaaryahan Messi iyo saaxiibkiis Suarez ayaa labaduba waxa ay Baabuurtooda dhigteen Parking gaar ah oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Magaalada Barcelona, iyagoo aaday fasax dhanka Jasiiradaha ah si ay ugu soo raaxeystaan, balse labada laacib ayaa lagu war geliyay in ay sugaan inta baaritaanka lagu sameynayo gawaaridooda.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in baaritaanka markii la sameeyey Baabuurta kaddib lagu ogaaday in walxo qarxa aysan ku xirnayn, isla markaana ay ahayd warbixin qaldan oo ay heleen Booliska.

 

https://twitter.com/FOXSportsAsia/status/1156197870334119936?s=19

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close