“Waxaan iska diiday dalabyada kooxo ay ka mid yihiin Man United, Juventus iyo Man City”.

(Yurub) 29 Luulyo 2019. Daafaca reer Uruguay ee Diego Godín ayaa wuxuu shaaca ka qaaday kooxaha xiiseenayay adeegiisa xiliyadii lasoo dhaafay, kahor inta uusan ku biirin Inter Milan suuqan xagaaga.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay Diego Godín waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Sanad ka hor waxaan dalab ka helay Juventus iyo mid kale oo ka yimid Manchester United, si la mid ah waqtiyo horey waxaan xiiso ka helay Manchester City”.

Image result for Diego Godín

“Laakiin waqtigaas, waxaan qandaraas kula jiray Atletico Madrid waligeey kuma fekerin inaan ka tagayo waqtigaas, laakiin waa inaan sheegaa ma jirin koox igu qancisay dalabkeeda sida Inter Milan”.

“Inter Milan waxay i soo bandhigtay mashruuc hami leh, sida aniga oo kale ah. Waan jeclaa fekerka ah inaan qeyb ka noqdo kooxda iyo inaan caawiyo Inter”.

Diego Godín ayaa xagaagan ku biiray kooxda Inter Milan isagoo u saxiixay heshiis ilaa iyo June 2022, wuxuuna kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid kadib markii uu dhamaaday qandaraaskiisa.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close