RASMI: Macallin Ole Gunnar Solskjaer oo ku dhawaaqay Liiska xiddigaha Man United ee u safraya dalka Norway & Romelu Lukaku oo laga waayey

(Manchester) 29 Luulyo 2019. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha kooxda Manchester United ee u safraya dalka Norway, waxaana laga waayey safkaan Weeraryahanka kooxda ee Romelu Lukaku.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka reebitaanka Liiska ee Lukaku waxa ay caddeyn u tahay sida aan loo hubin mustaqbalka ciyaaryahanka ee kooxda Man Utd.

Waxaa si cad loola xiriirinayaa Romelu Lukaku kooxda Inter Milan ee ka dhisan dalka Talyaaniga oo dhowr jeer dalbyo ka soo gudbisay, waxaana sidoo kale rabta inay la wareegto laacibkan naadiga Juventus oo Man United u soo bandhigtay heshiis isku bedelasho ciyaartooy ah.

Waxaa la fahamsan yahay in tababare Solskjaer uu afar maalmood siiyey weeraryahanka reer Belgium ee Lukaku, isla markaana ku wargeliyey in mudadaas uu ku soo xaliyo mustaqbalkiisa isla markaana uu go’aansado haddii uu Inter Milan u wareegayo.

Kooxda Tababare Ole ee Man United ayaa Talaadada la ciyaari doonta naadiga Kristiansund, waxaana xiddigaha Man Utd ee safraya laga saaray liiskooda Romelu Lukaku, waxaana ay taasi la minco tahay inuu laacibku sugayo dalab kale oo Inter Milan dhankeeda kaga yimaada.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Manchester United ee u safraya dalka Norway kuwaasoo uu ku dhawaaqay tababare Ole:-

David de Gea, Lee Grant, Joel Pereira, Sergio Romero; Diogo Dalot, Phil Jones, Victor Lindelof, Marcos Rojo, Luke Shaw, Chris Smalling, Axel Tuanzebe, Aaron Wan-Bissaka, Ashley Young; Fred, Angel Gomes, Daniel James, Jesse Lingard, Juan Mata, Nemanja Matic, Scott McTominay, Andreas Pereira, Paul Pogba; Tahith Chong, Mason Greenwood, Anthony Martial, Marcus Rashford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close