RASMI: Klopp oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Liverpool ee ku xaroonaya xerada tababarka ee France… (Miyey ku jiraan Saalax iyo Firmino?)

(Yurub) 29 Luulyo 2019. Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa hadda ku dhawaaqay liiska buuxa ee kooxda Reds ah, kuwaasoo isku diyaarinaya inay ku xaroodaan xerada tababarka ee ku taala dalka France, iyagoo isku diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub, kaasoo ku dhow inuu bilaawdo.

kooxda Liverpool ayaa bayaan rasmi ah ku soo qortay website-keeda iyo boggageeda rasmiga ah ee baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka waxay ku shaacisay xiddigaha uu Jurgen Klopp ugu yeeray liiskan, si ay ugu xaroodaan xerada tababarka ee ku taala dalka France.

Waxaa liiskan kooxda Liverpool ayaa markii ugu horeysay waxaa dib ugu soo laabtay saddexda xiddig muhiimka u ah naadiga Reds ee kala ah Maxamed Saalax, Roberto Firmino iyo goolhaaye Alisson Becker.

Liverpool ayaa ciyaari doonta kaliya hal kulan ee saaxiibtinimo ah inta ay ku gudi jirto xeradeeda tababarka ee dalka France, kaasoo ay habeenka Arbacada la ciyaari doonaan kooxda Lyon.

Hadaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha uu ugu yeeray Jurgen Klopp inay ku xaroodaan xerada tabaabrka ee dalka France:

Alisson Becker, Mignolet, Arnold, Brewster, Bobby Duncan, Harvey Elliott, Fabinho, Firmino, Gomez, Henderson, Hoever, Naby Keïta, Lallana, Larouci, Adam Lewis, Lonergan, Lovren, Matip, Milner, Origi, Chamberlain, Robertson, Saalax, Shaqiri, van Dijk, Wijnaldum iyo Wilson.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close