Ma ogtahay in xulkeenna Soomaaliya uu ka qeyb galayo isreeb-reebka koobka adduunka 2022-ka…  (Yuu la ciyaarayaa?)

(Muqdisho) 29 Luulyo 2019. Xulkeenna qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa ka qeyb galaya isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022-ka.

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku beegmay xulka aadka u adag wajiga hore ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022-ka, kaasoo lagu qaban doono dalka Qatar.

Waxa uu xulkeenna Soomaaliya ku aaday oo uu labo kulan oo isreeb-reeb ah la ciyaari doonaa xulka qaranka Zimbabwe oo ka mid ah kuwa ugu adag xulalka qaaradda Afrika.

Kulanka lugta koowaad waxa uu xulkeenna Soomaaliya ciyaari doonaa 02 bisha September, halka kulanka lugta labaad ay dheeli doonaan 09 isla bisha September.

Waxaa kulanka lugta koowaad ay ka dhici doontaa dalka Jabuuti oo guri ahaan uu u ciyaarayo xulkeenna Soomaaliya, halka lugta labaad lagu dheeli doono dalka Zimbabwe.

Gool FM.

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close