Sterling oo qof walba ka yaabsaday, kaddib markii uu si cajiib ah kaga hadlay koobkii Champions League-ga ay ku guuleysatay Liverpool

(England) 27 Luulyo 2019. Weeraryahanka reer England iyo kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa ka hadlay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay iyo dhibaatooyinkii ay isaga iyo kooxdiisa kala kulmeen, gaar ahaan kaddib guuldaradii kaga soo gaartay Tottenham Champions League, taasoo sababtay in gabi ahaanba ay ka haraan tartanka.

Raheem Sterling ayaa wuxuu sidoo kale si gaar ah kaga hadlay in kooxdiisii hore ee Liverpool ay ku guuleysatay tartanka Champions League bishii June ee lasoo dhaafay.

Sterling ayaa dhinaca kale qof walba kaga yaabsaday inuu dareemay farxad weyn, kaddib markii ay Liverpool kaga guuleysatay tartanka Champions League kooxda Tottenham bishii lasoo dhaafay.

“Wixii aan qabanay isla markaana aan sameynay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay waxay aheyd wax aan caadi aheyn”.

“Champions League waa tartan muhiim ah, laakiin hadafkeena ugu weyn ayaa ahaa inaan ku guuleysano horyaalka Ingiriiska”.

“Aad ayaan u faraxay markii ay Liverpool ku guuleysatay koobka Champions League, gaar ahaan qaar ka mid ah ciyaartoyda aan halkaas ku aqiinay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close