Pep Guardiola oo ka naxsaday Lionel Messi kaddib markii uu si cad u sheegay….

(Manchester) 27 Luulyo 2019. Macalinka reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola, ayaa amaanay xiddigiisa da’ada yar ee Phil Foden.

Pep Guardiola ayaa xusay in Phil Foden uu yahay laacibka ugu kartida badan ee uu arko inta uu ku gudi jiray xirfadiisa tababarka.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysiga uu Pep Guardiola kaga hadlay arrintan, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

 Guardiola acknowledged Foden's desire to play more

“Phil Foden wuxuu heystaa wax walba uu ku noqon karo mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka”.

“Wax badan ayaan ka sheegay shirarka jaraa’id, laakiin waxaa laga yaabaa inaan horey si cad ugu sheegin isaga”.

“Phil waa ciyaaryahankii ugu kartida fiicnaa ee aan arkay inta aan ku gudi jiray xirfadeyda tababarka”.

“Dhibaatada kaliya ee jirta ayaa waxay tahay in mararka qaar aanan ku dari karin safka aasaasiga ah, waxaana u rajeynayaa in mustaqbalka uu sii fiicnaan doono”.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu sheegay in hadalkan uu yahay mid naxdin leh, marka loo fiiriyo in Guardiola uu macalin ugu soo noqday Lionel Messi kooxda Barcelona, mudadii dahabiga ahayd uu soo hogaamiyay Barca, isagoo kula soo guuleystay koob kasta ee suurtogal ah gudaha iyo banaanka intaba.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close