Xiriirka kubadda cagta ee Koonfurta Ameerika oo shaaciyey ganaaxa ay dul dhigeen Lionel Messi

(America) 24 Luulyo 2019. Xiriirka Kubadda Cagta ee koonfurta Ameerika ayaa si rasmi ah ugu shaaciyay boggooda rasmiga ah ganaaxa lagu soo rogay kabtanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Xiriirka Kubadda Cagta ee koonfurta Ameerika ayaa go’aansaday in Lionel Messi uu ku ganaaxo kaliya hal kulan, sababo la xiriira kaarkii roosaha uu qaatay kulankii xulalka Chile iyo Argentina ay ugu dagaalameen kaalinta 3-aad ee Copa America 2019 ee dhawaantan lagu soo gaba gabeeyay dalka Brazil, kaasoo uu ku soo baxay xulka Tango.

Sidoo kale Xiriirka Kubadda Cagta ee koonfurta Ameerika ayaa dul dhigay Lionel Messi ganaax lacageed ee gaarsiisan $1,500, iyadoo si toos ah looga jari doono lacagaha uu xulka qaranka Argentina ku heli doono kaalinta saddexaad ee Copa America 2019.

Messi ayaa seegi doona kulanka ugu horreeya xulka qaranka Argantina uu ka ciyaari doono kulamada loogu soo gudbayo Koobka Adduunka 2022, mana jiraan wax rafcaan ah ee laga qaadan karo go’aankan uu soo saaray Xiriirka Kubadda Cagta ee koonfurta Ameerika ee ku aaddan ganaaxa Lionel Messi.

Dhinaca kale xiriirka ayaa wuxuu go’aansaday inuu furo baaritaan ku saabsan hadallada Lionel Messi, kaasoo uu ku eedeeyay xiriirka kubadda cagta ee koonfurta Ameerika inuu yahay mid ka sameysayn musuqmaasuq, waxaana labada toddobaad ee soo socda lagu dhawaaqi doonaa bal inuu ciqaab ku muteysan karo kabtanka xulka Argentina hadalladiisa iyo haddii kale.

Waxaa xusid mudan in ganaaxa Lionel Messi ee halka kulan uu la xiriiro kaliya kaarka casaanka ah ee uu qaatay intii lagu guda jiray kulankii Chile, iyadoo si gooni ah loo eegi doono hadalladii uu ku weeraray xiriirka kubadda cagta ee koonfurta Ameerika, kaddib ciyaartii Chile.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close