Virgil van Dijk oo eeganaya wax kaga muhiimsan ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or 2019

(Yurub) 24 Luulyo 2019. Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuu ahaa mid u wanaagsan daafaca reer Holand ee Virgil van Dijk kaddib markii uu kooxdiisa Liverpool ku hogaamiyay ku guuleysiga tartanka UEFA Champions League markoodii 6-aad ee taariikhda.

Qaab ciyaareedka cajiibka ah uu soo bandhigay Virgil van Dijk xili ciyaareedkii tagay ayaa waxay ka dhigtay in si xoogan loogu sharxo ku guuleysa abaalmarinta Ballon d’Or 2019, isagoo kula dagaalami doono xiddigaha Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Virgil van Dijk ayaa ka hadlay dhowr arrimood ee quseeya xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta, iyo himilooyinkiisa xiliyada soo socda, isagoo sidoo kale ka hadlay musharraxnimadiisa abaalmarinta Ballon d’Or 2019.

Van Dijk ayaa xaqiijiyay in ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or ay tahay riyada dhamaan ciyaartoyda kubadda cagta, laakiin isaga ahaan wuxuu sheegay inay jiraan waxyaabo kale ee kaga qiimo badan uu doonayo inuu gaaro.

“Ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or waa riyada dhamaan ciyaartoyda kubadda cagta, hadii aadan ku guuleysan waa inaad horumar sameysaa oo aad ka shaqeyso sidii aad ugu guuleysan laheyd, wey fiicnaan laheyd hadii aan helo, waxayna ii noqon lahayd midaas si xoogan ugu faano”.

“Laakiin waxaa jira wax ka muhiimsan waana waxaaan ka wada shaqeeneyno koox ahaan, taasoo aan dooneyno dhamaanteen inaan ku wada guuleysano, waxaan doonayaa inaan kula guuleysto koobab badan kooxda Liverpool”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close