Manchester United oo maalmo kooban u qabatay kooxda Inter Milan si ay u dhammaystiro saxiixa Romelu Lukaku

(Manchester) 24 Luulyo 2019. Wakhtigu waa ku socdaa kooxda ka dheesha horyaalka Serie A si ay u dhammaystirto saxiixa weeraryahankan, Manchester United ayaana maalmo kooban u qabatay Inter si ay ula wareegto Lukaku.

Jariiradda The Mirror ayaa warinaysa in Manchester United ay siisay kooxda Inter todobo maalmood si ay ugala xaajoodaan oo ay u dhammaystiraan saxiixa Weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku.

Man Utd ayaa u ogolaanaysa 26-sano jirkaan inuu tago, laakiin waxa ay doonayaan inay hubiyaan bixitaankiisa ka hor 8 bisha Agoosto oo uu ku eg yahay suuqa kala iibsiga xiddigaha ee kooxaha Ingiriiska si ay bedelkiisa ula soo saxiixdaan.

Sidaasi daraadeed, Man United ayaa laacibkan ku diri karta heshiis kasta oo macquul ah haddii Inter Milan xitaa aysan gaarin lacagaha ay ku doonayso kooxda reer England ee ah 75 milyan oo gini oo u dhiganta 84 milyan oo euro ama 93 milyan oo doollar isbuucyada soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close