Xiddigaha kooxda PSG oo u duulay dalka Shiinaha… (Miyuu safarkaas qeyb ka ahaa Neymar Jr?)

(Paris) 23 Luulyo 2019. Weeraryahanka xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr ayaa si xoog leh loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqi doono Barcelona ama Real Madrid, laakiin waxa uu la joogaa xiddigaha kooxda PSG.

Neymar Jr ayaa lagu daray 33 ciyaaryahan ee kooxda Paris Saint-Germain uga qeyb galaya ciyaaraha isu diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kuwaasoo safar ku maraya Shiinaha, xilli mustaqbalkiisa uu mugdi weyni ku jiro.

Tababare Thomas Tuchel ayaa ciyaartoydiisa u kaxaysay Shiinaha, halkaasoo ay ku sugnaan doonaan laga bilaabo 23 July illaa 4 bisha Agoosto, isla markaana ay halkaa ku soo ciyaari doonaan kulamo saaxiibtinnimo oo qeyb ka ah isu diyaarinta xilli ciyaareedka.

PSG ayaa indhaha ku haysa inay difaacato horyaalka Ligue 1 isla markaana ay u tartanto koobka horyaallada Yurub ee Champions League xilli ciyaareedka soo aaddan.

27-sano jirkaan Neymar Jr ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu dib ugu laaban doono kooxdiisii hore ee Barcelona, sidoo kale waxaa si layaab leh loo wariyey inuu u dhaqaaqi doono Real Madrid, laakiin hadda waxa uu qeyb ka yahay xiddigaha kooxdiisa PSG ee u safray dalka Shiinaha.

Magacyada xiddigaha kooxda PSG ee maanta u safray dalka Shiinaha:-

AOUCHICHE Adil

AREOLA Alphonse

BAKKER Mitchel

BERNAT Juan

BULKA Marcin

CAVANI Edinson

DAGBA Colin

DIALLO Abdou

DRAXLER Julian

GUCLU Metehan

HEMANS Isaac

HERRERA Ander

INNOCENT Garissone

JESE

KEHRER Thilo

KIMPEMBE Presnel

KURZAWA Layvin

KOUASSI Tanguy

MBAPPE Kylian

MBE SOH Loïc

MEUNIER Thomas

NEYMAR JR

NSOKI Stanley

SARABIA Pablo

TOUFIQUI Azzedine

TRAPP Kevin

VERRATTI Marco

ZAGRE Arthur

Si kastaba ha ahaatee, waxaa kooxda PSG dib uga soo biiri doona 31 bishaan July xiddigaha kala ah CHOUPO-MOTING Eric-Maxim, DI MARIA Angel, MARQUINHOS, PAREDES Leandro iyo THIAGO SILVA kuwaasoo ku mashquulsanaa waajibaadka xulalkooda qaranka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close