Wakiilka Gareth Bale oo ka hadlay wararka xanta ah ee la xiriirinaya inuu ka tagayo Real Madrid

(Madrid) 23 Luulyo 2019. Wakiilka Gareth Bale ee Jonathan Barnett ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya laacibka reer Weles inuu kaga tagayo Real Madrid heshiis amaah oo mudo sanad ah.

Gareth Bale ayaa ka maqnaa kulankii saaxiibtinimo ay Axadii lasoo dhaafay wada ciyaareen kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich, kaasoo naadiga reer Germany 3-1 ku adkaatay.

Dhinaca kale macalinka reer France iyo kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa dhankiisa ku celceliyay in bixitaanka Gareth Bale ay u fiicnaan laheyd qof walba.

Hadaba Jonathan Barnett ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah ee “Sky Sports” wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Bale wuxuuna yiri:

“Gareth Bale kagama bixi doono Real Madrid heshiis amaah ah, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, waan u dammaanad qaadi karaa inuusanna uga tagin jidkaas koox kasta”.

“Bale waa ciyaaryahan ka tirsan Real Madrid, ilaa iyo haatan xaalada waa sidii hore, oo ma jiraan wax isbadal ah” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Jonathan Barnett.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close