Shaxda rasmiga ah ee kulanka maanta kooxaha Barcelona iyo Chelsea oo la shaaciyey… (Miyey ku bilowdeen Griezmann iyo Pulisic?)  

(Yurub) 23 Luulyo 2019. Waxaa la shaaciyey shaxda rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Barcelona iyo Chelsea.

Kooxda reer Spain iyo midda reer England ayaa duhurnimadaan maanta isku qaban doona kulan saaxiibtinnimo oo ka tirsan ciyaaraha isu diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Weeraryahan Antoine Griezmann ayaa loo gacan geliyey ku bilaabashada safka hore kulankiisii ugu horreeyey ee kooxdiisa cusub ee Barcelona ciyaartan saaxiibtinnimo ee ay maanta ka horjeedaan Chelsea.

Dhinaca kale Blues ayaa safkeeda hore ku bilowday saxiixeeda cusub ee Pulisic.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda rasmiga ah ee kulanka saaxiibtinnimo ay maanta ku soo galayaan garoonka kooxaha Barelona iyo Chelsea:-

Safka hore ee Barcelona: Ter Stegen; Sergi Roberto, Piqué, Umtiti, Alba; Busquets, O.Busquets, Riqui Puig; Collado, Griezmann, Dembelé.

Safka hore Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Christensen, David Luiz, Emerson; Jorginho, Kovacic; Pedro, Mount, Pulisic; Abraham.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close