“Sharaf ayey ii tahay xiisaha kooxda Barcelona”

(Yurub) 23 Luulyo 2019. Xiddiga kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa ka hadlay wararka ku aadan in adeegiisa ay xiiseeneyso Barcelona inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Waxaa jiray maalmihii u dambeeyay warar saxaafadeed sheegayay in kooxaha Bayern iyo Barcelona ay doonayaan inay isdhaafsadaan xiddigaha David Alaba iyo Ousmane Dembélé.

Hadaba shabakada “Sky Sports” ee dalka Germany ayaa waxay shaaca ka qaaday wareysi uu David Alaba kaga hadlay xiisaha kaga imaanaya kooxda Barcelona wuxuuna yiri:

Image result for David Alaba

“Dabcan tani waxay ii tahay sharaf weyn”.

“Laakiin hada waxaan diirada saarayaa kaliya booskeyga kooxdeyda Bayern Munich iyo isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub”.

“Ma ihi ciyaaryahan qorsheynaya mustaqbalka fog”.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Bayern Munich ayaa isku diyarineysa inay ciyaarto labadeeda kulan ugu dambeeya ay ku ciyaareyso dalka Mareykanka, kaasoo ay ugu diyaar garoobeyso xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close