Liiska xiddigaha ugu mushaarka badan waqtigan kubadda cagta oo la soo saaray… (Kaalintee ayey kaga jiraan Ronaldo iyo Messi?)

(World) 23 Luulyo 2019. Wargayska “The Sun” ayaa daabacay liis ka kooban kuwa ugu mushaharka badan Todobaad kasta ciyaartoyda ku xamaasha kubadda cagta ee addunka.

Liiskan ayaa lasoo saaray kaddib markii ay soo baxeen warar ku saabsan suurtogalnimad uu Gareth Bale kaga dhaqaaqi karo Real Madrid, iyadoo la filayo inuu ku biiro mid ka mid ah kooxaha ka ciyaara horyaalka Chinese Super League.

Hadaba waxaa liiskan la soo saaray hogaaminaya kabtanka xulka qaranka Argantina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi, kaasoo Todobaad kasta ka qaata garoonka Camp Nou adduun dhan 900,000 oo pounds.

Booska labaad waxaa liiskan ka soo galay xiddiga reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo todobaadkii mushaar ahaan u qaata 850,000 pounds.

Hadaba waxaa xusid mudan in waqtigan Gareth Bale uu mushaar ahaan Todobaadkii kaga qaato Real Madrid qiimo dhan £ 600,000, wuxuuna kaalinta 6-aad kaga jiraa liiskan lasoo saaray.

Hadaba halka hoose kaga boggo liiskan iyo sida ay xiddigaha u kala mushaar sareeyaan:

 Lionel Messi currently leads the way in terms of best-paid players

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close