“Waxaan ka codsaday wiilkeyga inuu u wareego Barcelona sanad kahor” – Aabaha Griezmann

(Spain) 22 Luulyo 2019. Aabaha xiddiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa shaaca ka qaaday dareenkiisa kaddib markii uu wiilkiisa ku biiray kooxda Barcelona  suuqan xagaaga.

Antoine Griezmann ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay si weyn lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda Barcelona, waxaana ugu dambeyntii si rasmi ah loo xaqiijiyay suuqan xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay aabaha dhalay Antoine Griezmann wuxuuna sheegay:

“Ma jiro wax hadal ah oo aan ku qeexi karo dareenkeyga, waxaan la socday Barcelona sanado badan, tan iyo xiligii Johan Cruyff, Hristo Stoichkov iyo dhamaan ciyaartoyda waaweyn ee iyaga la joogay, waa kooxda ugu fiican, sababtoo ah waxay heystaan aqoonsi kubadda cagta ee cajiib ah”.

“Waxaan dareemay dareen aad u kacsan, waxaan nafteyda ku iri ugu dambeyntii, sababtoo ah wey adkeyd marka hore”.

“Waxaan doonayay in Antoine Griezmann uu u saxiixo heshiis cusub kooxda Barcelona tan iyo xili ciyaareedkii hore 200%, laakiin wuxuu doortay go’aan kale, waa ciyaaryahan xirfadle ah”.

Yeelkeedee, Xiddiga xulka qaranka Faransiiska kula guuleystay Koobkii Adduunka 2018 ayaa adduun dhan 120 milyan oo euro ay Barcelona kaga soo qaadatay suuqan xagaaga kooxda ay ku xafiiltamaan Spain ee Atletico Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close