“Waxaan fariin soo dhaweyn ah ka helay Suárez, balse Messi ma uusan sameynin” – Griezmann

(Spain) 22 Luulyo 2019. Weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann ayaa ka warbixiyay inuu fariin ka helay Luis Suárez si uu u soo dhaweeyo, kaddib imaatinkiisa kooxda Barcelona.

28 jirkan reer France ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in saaxiibkiis cusub ee Luis Suárez uu xiriir lasoo sameeyay isla markaana uu ku soo dhaweeyay kooxda Barcelona, ​​laakiin xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi uusan sidaas sameynin.

Wargeyska “Sport” Gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu bixiyay Antoine Griezmann kaddib shir jaraa’id uu ka soo muuqday, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan helay fariin ka timid Luis Suarez, taasoo uu igu soo dhaweenayay, aad ayaan u faraxsanahay, waxaan sidoo kale ku faraxsanahay inaan halkan joogo”.

“Kooxda si fiican ayeey ii soo dhaweysay, waxaana ku faraxsanahay inaan lawadaago qolka labiska, waxaan rajeenayaa inaan u caawiyo sida ugu macquulsan”.

“Laakiin wax fariin ah kama helin Lionel Messi, si walba ay ahaato xaalada, jawiga kooxda Barcelona waa mid aad u fiican”.

Yeelkadeeda, Antoine Griezmann ayaa adduun dhan 120 milyan oo euro ay Barcelona kaga soo qaadatay suuqan xagaaga kooxda ay ku xafiiltamaan Spain ee Atletico Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close