Tababare Sarri oo fariin ku aadan Cristiano Ronaldo u diray dhamaan ciyaartoyda kooxda Juventus

(Turin) 22 Luulyo 2019. Macalinka kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa fariin u diray ciyaartoydiisa oo dhan, wuxuuna u sheegay wax walba oo kooxda ku dhisan in lagu dhisay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Juventus ayaa shalay ciyaartay kulankeedii ugu horeeyay ee ka mid ah kulamada saaxiibtinimo ay ugu diyaar garoobeyso xili ciyaareedka cusub 2019/2020, waxayna guuldarro 3-2 ah ka soo gaartay kooxda Tottenham Hotspur.

Maurizio Sarri ayaa ciyaarta kaddib u sheegay saxaafada:

“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahanka ugu fiican Juventus, sidaasi darteed qof walba waa inuu caawiyaa daafacyada, marka laga reebo isag, waa inaan siinaa xoriyad uu kaga ciyaari karo meel kasta ee garoonka ah”.

Sarri ayaa intaas kaddib wax laga weydiiyay suurtogalnimada ay kooxda Juventus ku sameyn karto heshiisyo kale ee cusub, kaddib imaatinka Matthijs de Ligt wuxuuna ku jawaabay:

“Ma doonayo inaan inta badan ku mashquulo dhanka suuqa, malaha waxaa jira ciyaaryahano aanan garaneyn, waxaana fiican in arrintaas aan u dhaafno maamulka kooxda” ayuu hadalkiisa ku soo xiray macalinkii hore kooxda Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close