RASMI: Xiddig ka tirsan Chelsea oo dhammaystiray ku biiristiisa kooxda RB Leipzig

(London) 22 Luulyo 2019. Da’yar ka tirsan kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa amaah ugu dhaqaaqay dhinaca horyaalka Bundesligaha Jarmalka, isagoo ku biiray naadiga RB Leipzig.

Chelsea xiddigeeda da’da yar ee Ethan Ampadu ayaa heshiis amaah ah oo hal sano ah ugu biiray kooxda kubadda cagta ee RB Leipzig.

18-sano jirkaan kaasoo awooda inuu ka ciyaaro labadaba qalbiga dhexe ee difaaca (centre-back) iyo khadka dhexe ee difaaca (defensive midfielder) ayaa kaliya hal kulan ka hoos ciyaaray macallinkii hore ee Blues, Maurizio Sarri xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Tababaraha cusub ee Chelsea, Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday inuu isku dayey inuu amaah kula saxiixdo ciyaaryahan Ampadu bishii Janaayo, markaasoo uu laylinayey naadiga Derby.

Ampadu ayaa 12 kulan ciyaaray labadii sanadood ee uu joogay kooxda Chelsea, waxaana uu heshiis cusub oo shan sanadood ah u saxiixay kooxda bishii September ee sanadkii 2018-kii.

Blues ayaa qoraal kooban oo dhankeeda ay soo dhigtay boggeeda waxa ay nasiib wacan ugu rajaysay Ampadu waayihiisa Jarmalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close