Kooxda Real Madrid oo iska diiday LIX dalab ee laga soo gudbiyay Marco Asensio

(Madrid) 22 Luulyo 2019. Macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa u muuqda mid aan marnaba dooneynin inuu fasaxo xiddigiisa da’ada yar ee Marco Asensio, inkastoo kooxo badan ee ka dhisan Yurub si aad ah lala xiriirinayo, inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Real Madrid ayaa ilaa iyo haatan si xoogan u sameysay suuqa kala iibsiga ee xagaaga, waxayna dhameystirtay heshiisyada afar ciyaaryahan ee cusub si ay ugu xoojisato safka kooxda.

Ciyaarta weli ma dhamaanin, ilaa iyo haatan Real Madrid waxay ku bixisay suuqan kala iibsiga ee xagaaga  in ka badan 250 milyan oo euros.

Raadiyaha “Cadena SER” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Marco Asensio uusan qeyb ka ahayn xiddigaha uu qorsheenayo Zidane inuu ka fasaxo garoonka Santiago Bernabeu, inkastoo ciyaartoyda qaar ay tahay in la iibiyo.

Wararka ayaa waxay sheegayaa in ay kooxd Real Madrid iska diiday lix dalab ee kala duwan oo lagu doonayay in lagula wareego Marco Asensio, si uu u sii joogo isla markaana uu qeyb kaga noqdo mashruuca cusub kooxda ee tababare Zinedine Zidane.

Ilaa iyo haatan Real Madrid waxay raacdo ugu jirtaa heshiiska xiddiga reer France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba, balse lacagaha ay ku dooneyso Red Devils laacibkan ayaa ka dhigi kara heshiiska mid ku adkaan kara kooxda reer Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close