PSG oo ka hadashay xaqiiqada ku aadan in Barcelona ay dalab kasoo gudbisay Neymar Jr

(Paris) 21 Luulyo 2019. Madaxda kooxda Paris-Saint-Germain ayaa waxay beeniyeen inuu soo gaaray dalab rasmi ah ee lagu doonayo xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Paris-Saint-Germain Leonardo ayaa si cad u sheegay inuusan jirin wax dalab ah ay la kulmeen kaasoo ku aadan xiddiga reer Brazil.

Leonardo ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Xaqiiqdii, ma jiraan wax iska badalay go’aanka ku aadan Neymar Jr, tan iyo shirkeygii jaraa’id ee ugu dambeeyay, wax cusub ma dhicin”.

“Wali ma helin dalab rasmi ah ee ku aadan Neymar Jr, wali waa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Paris-Saint-Germain”.

Intaas kaddib Leonardo ayaa wuxuu si toos ah kaga jawaab celiyay wararka ku aadanaa in Barcelona ay miiska soo saartay dalab ku aadan lacago iyo 2 ciyaaryahan si ay u hesho Neymar Jr wuxuuna yiri:

“Waxaan ku celinayaa, wali ma helin dalab rasmi ah ee ku aadan Neymar Jr, xaalada waa sida ay ahayd 10 maalmood kahor”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close