“Neymar wuxuu dhibaato ku yahay kooxda Paris Saint-Germain”- Julian Draxler

(Paris) 21 Luulyo 2019. Xiddiga reer Germany iyo PSG ee Julian Draxler ayaa sheegay in Neymar Jr uu yahay laacib weyn, balse uu dhibaato ku yahay kooxda reer France, isagoo sheegay in arrintaas ay marnaba fiicneyn.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay Julian Draxler waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Muuqaalka Neymar Jr wuxuu kooxda ku abuurayaa xaalad murugo leh oo aan dheellitirneyn, tani ma ahan midaan ku mashquulayo, laakiin waxaa laga yaaba inay xoogaa dhibaato ku tahay kooxda”.

“Ma jiro qof jecel inuu akhriyo warkan, laakiin PSG ma ahan Neymar oo kaliya, dabcan waa xiddig weyn, waa ciyaaryahan muhiim ah ee naga tirsan, dhamaanteen waxaan dooneynaa inaan ogaano waxa dhici doono”.

Neymar Jr ayaa doonaya inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Barcelona, balse PSG ayaan dooneynin inay ka iibiso naadiga reer Catalonia, waxayna doorbideysaa inay ka iibiso midkood kooxaha Juventus iyo Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close