“Neymar kuma faraxsana kooxda Paris St Germain” – Wakiilkiisa

(Paris) 21 Luulyo 2019. Wakiilka Neymar Jr Pini Zahavi ayaa qiray in xiddiga uu dalaalka ka yahay uusan ku faraxsaneyn kooxda Paris St Germain, taasoo xaqiijineysa in xiddiga reer Brazil uu ku dhow yahay inuu ku laabto Barcelona.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa soo xigtay hadalada Wakiilka Neymar Jr ee Pini Zahavi, kaasoo si weyn kaga saaciday laba sano kahor inuu ku biiro kooxda PSG wuxuuna yiri:

“Neymar kuma faraxsana caasimada Faransiiska”.

Yeelkadeeda, Xiddiga reer Brazil ayaa ku rajo weyn inuu ka tago kooxda Paris St Germain si uu dib ugu laabto garoonka Cump Nou, inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close