“Hazard waxaa loo abuuray inuu u ciyaaro Real Madrid” – Xiddig hore oo Barcelona ah

(Madrid) 21 Luulyo 2019. Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain Cesc Fàbregas ayaa ku amaanay saaxiibkiis hore ee Eden Hazard heshiiska uu suuqan xagaaga ugu biiray kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer Belgiam ayaa ku biiray kooxda Los Blancos suuqan xagaaga, kaddib markii uu Chelsea kaga soo dhaqaaqay 100 milyan ginni, xili heshiiskiisa Blues uu ka harsanaa hal sano.

Hadaba Cesc Fàbregas ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay heshiiska uu Hazard ugu biiray kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:

“Eden Hazard waa ciyaaryahan cajiib ah, isla markaana sameyn kara isbadal, waa ciyaaryahan loo abuuray inuu ka ciyaaro Real Madrid”.

“Wuxuu u baahan yahay inuu helo masaafo weyn si uu ordo, in kubadda aad ku dhex heyso labadaada lugood dhexdood waa wax cajiib ah, wuxuu jecelyahay inuu ku dhex wareego gudaha garoonka, ha dhihin halkaas joog”.

Intaas kaddib Cesc Fàbregas ayaa la weydiiyay inuu ku fikirayo dib ugu laabashada dalka Spain wuxuuna ku jawaabay:

“Waxaa adag in da’ada 32 jirka aad ku fikirto inaad dib ugu laabato dalka Spain, riyadayda waxay aheyd inaan u ciyaaro Barcelona, ​​waxaana ku soo qaatay saddex sano”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close